Dhismo ayaa Lagu Bilaabay Buundada Deegaanka Ceelgaal ee Duleedka Baladweyne

by admin | Wednesday, May 15, 2019 | 875 views

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa dhismo ku bilaabay Buundada Deegaanka ceelgaal oo dhawaan ay Jaren ama gooyeen Roobabkii ka da’ay magaalada Baladweyne iyo deegaano hoos yimaado.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan yuusuf axmed hagar iyo Masuuliyen kale ayaa manta kormeeray buundada deegaanka ceelgaal waxaana soo dhaweeyey shacabka Deegaankaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf axmed Hagar ayaa sheegay in manta lagu bilaabay buundada dhismo waxaana uu gaadiidleeyda ku amray in aysan mari karin inta ay dhismaha uu socda.

Dadka Deegaanka ayaa soo dhaweeyey qorshaha lagu dhisayo Buundada Deegaanka Ceelgaal ee Gobolk Hiiran waxaana maamulka ugu  mahad ciliyeen ka jawaabida baaqooda oo ahaa in la dhiso buundada.

Like it? Share it!

Leave A Response