Dhoobo Daareed oo iskaga baxay Garowe iyo xiisad ka dhalatay xilka qaadistiisii

by admin | Saturday, Nov 9, 2019 | 761 views

Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed oo maalintii Khamiista ahayd ay xilka ka qaadeen xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa iskaga baxay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Dhoobo daareed oo wata ciidamo iyo gaadiid dagaal oo taageersan ayaa xalay gaaray degmada Xingalool ee gobolka Sanaag, waxaana lagu waddaa in uu sidoo kale maanta gaaro degaano ka mid ah gobolka Sidda degmada Badhan iyo kuwa kale.

Waxgaradka, culimo awdiinta iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Sanaag ayaa shir uga furmi doono degaano kamid ah gobolkaasi kaas oo ay kaga wada tashan doonaan ayaahooda mustaqbal iyo kan siyaasadeed ee Puntland.

Gudoomiyaha oo kasoo jeedda gobolka Sanaag ayaa horay u sheegay in baarlamaanka Puntland weerar lagu soo qaaday, islamarkaana doonayaan in Puntland dadka kunool gobolka Sanaag ay ka tashadaan.

Waxaa uu diiday in uu la kulmo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo ku sugnaa Magaalada Garowe, waxaana uu sheegay in maamul goboleed kale uu ka dhisi doono gobolka Sanaag.

Like it? Share it!

Leave A Response