Dhul gariir ah xoog leh oo ku dhuftay Jasiiradda Sulawesi

by admin | Friday, Jan 15, 2021 | 333 views

Dhulgariir cabirkiisu yahay 6.2-magnitude ayaa ka dhacay jasiiradda Sulawesi ee dalka Indooniisiya, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan toddobo qof, boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen, dhismayaal badanna ay ku waxyeeloobeen xalay, sida ay sheegtay wakaaladda ka hortagga musiibooyinka Indooniisiya.
Macluumaadkii ugu horreeyay ee wakaaladda yareynta musiibooyinka ee waddanka ayaa muujisay in afar qof ay dhinteen 637 kalena ay ku dhaawacmeen Majene, halka ay jiraan seddex dhimasho kale oo dheeraad ah iyo labaatameeyo kale oo ku dhaawacmay deegaanka Mamuju.

Kumanaan qof ayaa ka qaxay guryahooda si ay u raadsadaan badbaado markii dhulgariirku ku dhuftay wax yar ka dib 1-dii aroornimo ee subaxnimadii Jimcaha, taas oo waxyeeleysay ugu yaraan 60 guri.
Wakaaladda musiibooyinka ee Indonesia ayaa sheegtay in dhul gariirro isdaba joog ah 24-kii saac ee la soo dhaafay ay sababeen ugu yaraan seddex dhul go ’, korontadana la jaray.
Sanadkii 2018, dhul gariir baaxad leh ayaa ku dhuftay magaalada Palu, ee Sulawesi, halkaas oo ay ku dhinteen kumanaan qof.

Like it? Share it!

Leave A Response