Digniin Loo Direy Shacabka B/weyne

by admin | Wednesday, Sep 26, 2018 | 866 views

Waaxda dhul bixinta dowladda hoose ee magaalada Baladweyne ayaa digniin ka soo saartay is qabqabsiga dhulalka ee magaaladaasi.

Agaasimaha waaxda dhul bixinta dowladda hoose ee B/weyne Xuseen Maxamed Fiidoow ayaa  kaga hadlay arrintaasi oo muddooyinkii dambe magaalada ka taagneyd.

Wuxuu iska fogeeyay in xafiiskiisa uu ku lug leeyahay is qabqabsiyada dhuleed islamarkaana ay ku shaqeeyaan lacago dheeraad ah.

Agaasimaha ayaa sheegay in dhul bannaan oo magaalada Baladweyne ku yaalla ay qorsheyaal u dejiyaan kaasi oo ah dhul dowladeed.

Ciddii ka hor timaada ayuu xusay in ay kala kulmayso ciqaabta sharcigu uu ka qabo.

Like it? Share it!

Leave A Response