Diiwaangelinta Musharrixiinta Madaxweynaha oo Maalintii labaad socota

by admin | Monday, May 9, 2022 | 575 views

Guddiga isku-dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya lagana soo kala xulay Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maalintii labaad Magaalada Muqdisho ka wada diiwaangelinta musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga oo ku Shaqeeynaya Xarunta Aqalka Sare ayaa shalay diiwaangeliyay 10-kii musharrax ee ugu horreeyay, kuwaas oo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa.

Maanta ayaa markale ay bilaabatay howsha diiwaangelinta musharrixiinta, waxaana waqtiga loo qorsheeyay in diiwaangelinta la soo geba-gabeeyo hadii aan waqti kale lagu darin uu yahay Maalinta Beri oo talaado ah taariikhduna ku beegan tahay 10-ka Bisha May sanadka 2022.

15-ka Bishaan ayaa qorshuhu yahay in Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada Madaxweynaha Soomaaliya si looga baaqsado in dib u dhac kale ku yimaado doorashada Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response