Dil aano qabiil ah oo goor dhaw ka dhacay magaalada Beledweyne

by admin | Tuesday, Feb 5, 2019 | 811 views

Dil salka ku haayo aano qabiil ayaa goor dhaw ka dhacay bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,waxaana halkaas lagu dilay nin wade gaari xamuul ka ahaa.

Allaha u naxariiste ninka ladilay ayaa ahaa wade gaari xamuul oo ka shaqeeyn jiray inta u dhaxeeysa magaalada Beledweyne iyo gobolka Galgaduud,waxaana la sheegayaa in aay dileen kooxo hubeysan.

Wararka qaar ayaa sheegayo in uu dilkaan salka ku haayo diil horay uga dhacay xadka labada gobo lee Hiiraan iyo Galgaduud bishi la soo dhaafay lagu dilay dhalinyaro ka timiday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dhanka kale wax war ah kama soo baxin maamulka gobolka Hiiraan oo ku saabsan dilkaan ka dhacay magaalada Beledweyne iyo nin aay ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen dadkii dilay ninka ahaa wade gaari oo lagu dilay magaalada Beledweyne

laso  wixii soo kordho

Like it? Share it!

Leave A Response