Dil caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

by admin | Monday, May 21, 2018 | 1136 views

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir gaar ahaan halka loo yaqaano Dabaqeynka, waxaa caawa ka dhacay dil ay geysteen Dabley ku hubeysnaa Bastoolado.

Dadka degaanka ayaa u sheegay shabakada Reegaay.com  in salaadii maqrib kadib ee caawa degmada Dharkeynley lagu dilay nin magaciisa lagu soo gaabiyay Xasan Sulub oo  Kaabe u ahaa dadka loo yaqaano Dalaaleyda.

“Salaadii maqrib kadib ayaa caawa xaafadeena lagu dilay nin lagu magacaabo Xasan Sulub, Dhalinyaro hubeysan ayaa dishay, kadibna goobta ayay ka dhaqaaqeen, wallaahi magaranayo sababta loo dilay.” Ayuu yiri qof mid ah dadka degaanka.

Ciidanka ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tagay goobta uu caawa dilka ka dhacay, waxayna halkaasi ka qaadeen ninka la dilay, saraakiisha Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in ay ku daba jiraan raggii dilka geystay.

Al-shabaab ayaa u muuqda in ay kordhiyeen dilalka iyo weerarada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan, xalay oo ugu dambeysay Shabaab waxay sheegeen in ay dileen wiil dhalinyaro ah oo ka shaqeynayay xafiiska Ra’iisul Wasaare Khayre.

Like it? Share it!

Leave A Response