Dil Caawa ka dhacay xaafad ka tirsan Magalada Muqdisho

by admin | Monday, May 20, 2019 | 738 views

War Goordhow soo gaaray Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaa in Kooxo hubeysan ay Caawa Xaafad ka tirsan degmada Howl-Wadaag ee Gobolkan Banaadir ay dil ka geysteen, kadibna ay goobta ka baxsadeen.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada Cali Caliyow gaar ahaan agagaarka Masjidka Furqaan ee degmada Howl-Wadaag,waxaana la sheegay in kooxda hubeysan ay dileen Nin caan ka ahaa Xaafadaas oo Magaciisa lagu soo koobay Maxamed Gaab.

Anaga oo Xaafada iska joogno ayaa waxaan maqalnay rasaas, kadib waxa naloo sheegay in Maxamed Gaab la dilay,runtii ma aqaano waxa uu qaban jiray balse dadka xaafada ku nool ayuu ka mid ahaa dadkii ka dambeeyay dilkiisa Goobta waa ay ka baxsadeen ayuu yiri qof ka mid ah dadka ku nool Xaafada dilka uu ka dhacay.

Ilaa iyo hadda lama oga waxa uu ahaa Shaqsiga la dilay, hayeeshee wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in uu ka mid ahaa Bahda Ciyaaraha ee degmada Howl-Wadaag,waxaana goobta dilka uu ka dhacay gaaray Ciidamo ka tirsan dowladda,kuwaas oo haatan howlo baaritaano ah wada.

Magalada Muqdisho mee Caasimadda Soomaaliya ayaa maalmahaan waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanayay dadka xiriirka la leh dowladda Soomaaliya,waxaana inta badan dilalkaas sheegta Ururka Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response