Dil ka dhacay Magaalada Beledweyne iyo faah faahin kasoo baxeysa

by admin | Friday, Mar 17, 2023 | 141 views

Kooxo hubeyasn ayaa Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ay kudileen Wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka kunool Magaalada Beleweyne, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta in Kooxaha hubeysan oo ahaa Burcad doonayay inay dhac u geystaan ay Wiilka dhalinyarada ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Muuse Shiiraar Xaafada Cilmi loos.

Ciidamo katirsan kuwa Booliska Beledweyne ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo baaritaano ah wallow aysan gacanta ku dhigin dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Beledweyne ayaa walwal ka muujiyay cabsida amni ee kajirta Magaalada Beledweyne, iyada oo dhowr jeer dad Shacab ah gudaha Magaalada lagu dilay.

Like it? Share it!

Leave A Response