Dil loo geystay Darawal Gaari iyo faah faahin laga helayo

by admin | Monday, Jan 18, 2021 | 298 views

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay in Maanta ay wade gaari ama Darawal ku dileen xaduudka Itoobiya iyo Galgaduud, iyaga oo Goobta ka baxsaday.

Wadaha Gaari ee la dilay oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Khadar Xakiin ayaa ka yimid dhinaca Magaalada Berbera ee Somaliland, waxana isaga oo kusoo Jeeda Beledweyne ay kooxo hubeeysan ku dileen meel lagu magacaabo Riiga Ceel-habreed oo dhaca Xuduudka Itoobiya iyo Galgaduud.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in sababo la xiriira aanooyin qabiil loo dilay Wadaha Gaari oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan, iyada oo ay xusid mudan tahay in Bishii December ee la soo dhaafay laba Darawal siyaabo kala duwan loogu dilay Wadada u dhaxeysa Matabaan iyo Guriceel, kuwaas oo la sheegay in dilka Maanta uu salka ku haayo.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Iidow ayaa ka tacsiyadeeyay dilka Wadaha Gaariga waxaana uu sheegay in Maamulka Gobolka Hiiraan uu ka xun yahay dilalka.

” Mohamed khadar Xakiin xaanshi Allah unaxariisto Saakay ayaa la ii sheegay in la dilay Waxa uu ahaa Wiil dhalinyaro ah qabiil aan aqoon ahaana wade gaadiid ama darawal. Maamulka Gobolka Hiiraan aad ayuu uga xunyahay Falalka Nuucaas ah Waxa uuna ku baaqayaa in laga wantoobo arimaha Nuucas ah loona diyaar garoobo Wada hadal iyo Dib uheshiisiin Dhab ah ayuu yiri” Afhayeenka

Laamaha Amniga Galmudug weli kama hadlin dilka dhacay, iyaga oo sidoo kale aan qaadin tallaabooyin gacanta loogu soo dhigayo dadkii ka dambeeyay dilalka, sidoo kalena looga hortagayo dilalka inay sii socdaan.

Like it? Share it!

Leave A Response