Dilka ka dhacay Magaalada Boosaaso & faah faahin laga helayo

by admin | Tuesday, Jan 12, 2021 | 494 views

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in haweenay ka mid ahayd ganacastada yaryar ee dharka ku iibisa suuqa Boosaaso uu nin dablay ah uu toogasho ku dilay iyadoo ku sugan gudaha goobteeda ganacsi.
Haweeneeyda oo lagu Magacaabi jiray Caasho Maxamed Ceynab ayaa waxaa goobjoogayaal sheegeen in Ninkii ka dambeeyay dilkaas uu goobta ka baxsaday.

Ciidamada amniga magaalada Boosaaso ayaa dilka kadib waxaa ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo lagu qabtay dad lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen dilaas.
Laamaha amniga Gobolka Bari weli wax faah faahin ah kama bixin dilkaas, iyada oo Magaalada Boosaaso dhowr jeer ay ka dhaceen dilal loo geystay mas’uuliyiin Askar & dad Shacab ah.

Like it? Share it!

Leave A Response