Dilka Wariye Jamal Khashoggi Oo Baajiyey Ciyaartii Ugu Weynayd Dunida Bilaha Ka Hadhay Sannadka

by admin | Tuesday, Oct 16, 2018 | 988 views

Sucuudi Carabia ayaa la dhibaatoonaya ceebta kasoo gaadhay dilka wariye Jamal Khashoggi oo lagu dhex khaarajiyey safaaradda dalkaasi ku leeyahay magaalada Istanbul, kaas oo ay kasoo gaadhay dhibaatooyin dhaqaale, sumcad iyo mid kale oo dhinaca ciyaaraha ah.

Kulanka ugu weyn dunida ee inta sannadkan ka hadhsan la ciyaari lahaa ayaa ah ciyaarta musaaricada WWE ee loo yaqaano Crown Jewel oo lacag badan kasoo xerooto, waxaana sannadkan lagu qaban lahaa Sucuudiga oo heshiis 10 sannadood ah kula jira WWE.

Sucuudiga ayaa bishii April martigeliyey ciyaartii ugu weynayd ee musaarico ee abid la qabto oo ay ka qayb-galeen ciyaartooyadii ugu badnaa taariikhda (Geatest Royal Rumble), taas oo si guul leh ay u martigelisay magaalada Jeddah oo garoonka weyn ee King Abdullah Sports City ay ku daawadeen kumannaan qof iyo malaayiin kale oo telefishanada kala socotay.

2-da bisha November waxa qorshaysnayd in magaalada Riyad lagu qabto ciyaartii labaad ee musaarico ah oo ah legtinta loo yaqaano Crown Jewel, ayaa waxa hadda la sheegay in maamulka WWE ay ogolaadeen inay joojiyaan qabashada ciyaartaas ay martigelin lahayd dawladda Sucuudiga sababo la xidhiidha dilka wariye Jamal Khashoggi oo dunidu cadaadis badan ku saarayso Boqortooyada dembiga ay gashay.

War-saxaafadeed ay soo saartay xidhiidhka maamulka ciyaaraha legtinta ee WWE ayaa waxa lagu yidhi: “Waxa aanu hadda qiyaasaynaa xaaladdu siday tahay.”

Inyar kaddib waxa WWE ay ka saartay boggeeda Internetka qaybtii iibka tigidhada ciyaartaas, taas oo ka dhigan in gebi ahaanba la kansal gareeyey.

Sucuudiga oo khasaare badan ugu jiro baaqashada ciyaartan, ayaa waxay isku difaaceen in wariye Jamal Khashoggi uu kasoo baxay safaaraddooda isaga oo bed-qaba, hase yeeshee ma jiraan wax caddaymo ah oo ay keeneen.

Legtintii hore ee Greatest Royal Rumble ayaa waxa garoonka King Abdullah International Stadium ee magaalada Jeddah ku daawaday dad ka badan 60,000 (Lixdan kun oo qof), waxaana la filayey in kulankan ay dad intii ka badan daawadaan.

Ciyaartooyo waaweyn ayaa kulankan ciyaari lahaa sida Kooxaha Heartbreak Kid, DX, Triple H, Undertaker iyo Kane. Waxa kale oo iyaguna qaybtooda ciyaari lahaa Brock Lesnar, Roman Reins, Braun Strowman iyo John Cena oo la sheegay in mugdi ku jiro inuu iman doono.

Baaqashada ciyaartan ayaa waxay keenaysaa in shirkadda WWE ay Sucuudiga ka dalbato magdhow balaayiin dollar ah sida uu dhigayo heshiiska tobanka sannadood ah ee u dhexeeya.

Like it? Share it!

Leave A Response