Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

by admin | Saturday, Oct 16, 2021 | 404 views

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa Essex oo laga doortay.
Booliska ayaa sheegay in nin 25 jir ah loo xiray tuhun dil kadib markii lagu weeraray kaniisad ku taal Leigh-on-Sea.

Warbaahinta Uk aya sheegtay in ciidanka booliska ay weerareen labo guri oo lagu tuhmaayo in falkaasi laga soo maleegay, sidoo kalena ruux weerarka geystay uu yahay asalkiiso Soomaali.
Waxay soo heleen mindi mana raadinayaan cid kale oo la xiriirta dhacdada. Kooxda ka hortagga argagixisada ayaa hoggaamin doonta baaritaanka.
Boris Johnson Ra’iisul wasaaraha Ingariiska ayaa ka hadlay naxdintiisa iyo murugadiisa ku aaddan dilka xildhibaanka, waxaana uu ku baaqay in baaritaano lagu sameeyo oo cadaalad la horkeeno kuwii ka dambeeyay.
Xoghayaha arrimaha gudaha Priti Patel ayaa ka codsatay dhammaan ciidamada booliiska inay dib u eegaan qabanqaabada amniga ee xildhibaannada “si dhaqso leh u dhaqan galaya”, afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sidaas yiri.
Sir David, oo 69 jir ah, wuxuu ahaa xildhibaan ilaa 1983 wuxuuna qabay shan carruur ah. Waa xildhibaankii labaad ee xilka haya oo la dilo shantii sano ee la soo dhaafay, kadib dilkii Jo Cox oo ka tirsaneyd xisbiga shaqaalaha sanadkii 2016 -kii.
Waxaa lagu dilay banaanka maktabad ku taal Birstall, West Yorkshire, halkaas oo lagu waday in lagu qabto xaflad.

Like it? Share it!

Leave A Response