Dilkii Wariye Jamal Khashoggi Oo Sababay In Xiddigaha WWE Ee John Cena Iyo Bryan Oo Diiday Inay U Safraan Sucuudiga Oo Ay Ka Dhacayso Ciyaarta Crown Jewell

by admin | Tuesday, Oct 23, 2018 | 1172 views

Xiddigaha legdinta Musaaricada WWE ee John Cena iyo Daniel Bryan ayaa ku dhowaaqay in aanay ka qaybgeli doonin ciyaarta Crown Jewel oo horraanta bisha November ka dhici doonta magaalada Riyad ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabia.

Ciyaartan lacagta badan kasoo xeroonayso ayaa daruuro mugdi ah ay hadheeyeen markii ay soo baxday in Qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istanbul lagu dhex dilay wariye Jamal Khashoggi oo mucaarad ku ahaa qoyska boqortooyada.

Taageereyaasha musaaricada WWE iyo falanqeeyeyaasha ayaa ka dalbaday maamulka WWE inay tusaale u noqdaan dunida oo ay qaataan go’aan ay gebi ahaanba ciyaartaas ku kansal garaynayayaan.

Wariye Robbie Fox oo ka tirsan warbaahinta Barstool Sports ayaa sheegay in laba ka mid ah ciyaartooyada ugu magaca iyo saamaynta badan shirkadda ayaa diiday inay u safraan Sucuudiga oo ay ka qayb-galaan ciyaartaas.”WWE Crown Jewell waxa uu la kulmayaa dhibaato. Hadda ayaa la ii sheegay in Reigns uu dhaawacan yahay iyo in Cena iyo Bryan ay diideen inay kasoo muuqdaan ciyaartaas. Inta badan ciyaartooyada WWE waxay soo bandhigeen walaac iyadoo aanay sidoo kale lahayn awoodda Cena/Bryan.” Sidaas ayuu Fox ku qoray bartiisa Twitterka.

Haddii warkani run noqdo, waxay WWE ku qasbanaan doontaa inay kansal garayso ciyaartan qorshaysan amaba ugu yaraan dib loo dhigo iyadoo loo rarayo meel kale, wararka naxdinta leh ee soo baxayaana waxay sheegayaan in Roman Reigns uu haleelay xanuunka Kansarka oo uu muddo 11 sannadood ah la dhibaataysnaa, iyadoo uu xalay meel fagaare ah kaga dhawaaay.

Warku wuxuu intaa ku daray in qaar badan oo ka mid ah xiddigaha musaaricadu ay ka walaacsan yihiin inay tagaan ciyaarta ka dhacaysa King Saud Universtiy Stadium bisha dambe.

Wariye ka tirsan wargeyska Dhaqaalaha ee Wall Street Journal oo lagu magacaabo Eric Handler ayaa sheegay in WWE oo heshiis toban sannadood ah kula jirta boqortooyada Saudi Arabia ay lumin doonto lacag u dhaxaysa 12 milyan illaa 16 milyan haddii ay ciyaartani baaqato.

Like it? Share it!

Leave A Response