Diyaarad yar oo lagu soo riday Madaxtooyada Sucuudiga

by admin | Sunday, Apr 22, 2018 | 946 views

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah ayaa lagu toogtay Hawada kaddib markii ay ku dhawaatay xarunta laga xukumo Sucuudiga ee Riyaadh.
Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Sucuudiga ayaa Hub culus u adeegsaday Diyaaradda iyada oo xalay inta badan Riyaadh laga maqlayay Rasaas u muuqatay labo dhinac.
Saraakiisha amaanka Madaxtooyada ayaa sheegay in Diyaaradda laga shakiyay islamarkaana dhulka la soo dhigay,waxaa kale oo ay sheegeen in baaritaanka falkan uu socdo ilaa haddana aysan Warbaahinta u soo bandhigin cidda leh diyaaradda la toogtay.

Muuqaal la soo geliyay Baraha Bulshada ayaa laga arkayaa Hawada Magaalada Riyaadh oo qiic ka baxayo sidoo kalena ay dhaceyso Rasaas xoogga,waxaa ay cabsi ku abuurtay caasimadda Riyaadh.
Xilliga uu weerarkaasi dhacayay Boqor Salmaan kuma jirin Madaxtooyada waxaana uu ku maqnaa beertiisa  Diriya,dadka qaar ayaa u qaatay in waxani ay ahaayeen Afgambi.

Like it? Share it!

Leave A Response