Diyaaradaha Droniska ayaa duqeymo culus kulaayey askar alshabaab ah seqdii dhexe ee xaley gobolka jubada dhexe

by admin | Sunday, May 5, 2019 | 745 views

Diyaaradaha Droniska ayaa duqeymo culus kulaayey askar alshabaab ah seqdii dhexe ee xaley gobolka jubada dhexe
Wararka ka imaanaya degmooyin katirtsan gobolka Jubada dhexe ayaa sheegaya in habenkii xaley ahaa ay marti geliyeen duqeymo aad u xoogan kuwaas oo fulinaayey diyaaradaha droniska ee laga leeyahay dalkaasi mareykaka, duqeymaha ayaa lasheegey in lala beegsanaayey madax katirsan xarkada alshabab.

Sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah waxaa la bur buriyey guri uu ka deganaa magaalada Jilib amiirkii u qaabil sanaa amniga gobolka banaadir oo loo yaqaano Khadar Abuur Xasan.
Wararka ayaa intaa ku darayaa in la burburiyey xaruuntii ugu weyneyd ee jubada dhexe ku laheed xarakada alshabaab oo kutaaley jilib banaankeeda xaruuntaas oo lasheegey in ay eheed xaruunta ugu weyn ee qaraxyada ku keediyaan alshabaab.

in kabada 13 nin macalimiinta qaraxyada ayaa lasheegey in xaruuntan ay ku geeriyoodeen halka guriga amiirka amniga gobolka benadirna lasheegey in isaga iyo labo ilaaladiisa ah ku geeriyoodeen guriga laduqeeyey taas oo dhimashada kadhigeysa 16 qof waxaana jira dhaawacyo farabadan oo ilaa hada aan la ogeyn tiradooda balse alshabaab ayaa lasheegey in saaka ay dhaq dhaqaaqyo kawadaan guud ahaan gobolka Jubada dhexe oo sanadadii u danbeeyey u ahaa fadhiisinka ugu weyn koonfurta soomaaliya.

Dhinaca kale cabaare todobadii saac habeenimo ayaa ayadana lasheegey in degmada Bu’aale ay weerar culus ku qaadeen diyaarada nooca qumaatiga u kaca ee dalka mareykanka kuwaasoo lasheegey in ciidamo farada badan ku dejiyeen magaalada Bu’aale dagaal toos ahna lagaleen ciidamada alshabaab eek u sugnaa magaalada bu’aale.
Xaruunta iclaamka guud ee alshabaab ayaa lashageey in lala wareegey saacado kooban waxaana halkaasi lasheegey in ay ku dhinteen kudhwaad 11 askari oo xaruunta kusugnaa lama oga dhaawaca kadhashey dagaalkaas iyo ujeedka ciidamadu u beegsadeen xaruunta warfaafinta balse warar aan lahubin ayaa sheegaya in ay halkaasi kaqaateen qalab muhiim ah.

xarunta Amniga gudaha oo bundada Bu’ale kutala waxana ku dhintay 31 Askari kadib markii ay isku fara saareen ciidamada shababka iyo kuwa mareykanka
Deeganadan ayaa saaka kuwaa bariistey xaalad kacsanaan ah waxaana dadka deegaanku sheegayaan in aan laseexan xaley wixii duqeymada kadanbeyey,

Like it? Share it!

Leave A Response