Diyaaradaha Maraykanka Oo Duqeymo Ka Fulin Doonaa Xarumo Muhiim u Ah Al-shabaab

by admin | Tuesday, Apr 17, 2018 | 867 views

Dowladda Maraykanka ayaa waxay qorsheysay in Labada Todobaad ee ina soo aadan maalin ka mid ah ay si ba’an u duqeyso xarumo muhiim u ah Al-shabaab oo ku yaalla gobollada dalka.
Inkastoo xogtan oo wada dhammeystiran aanu helin ayaa hadana waxaan helnay qaar ka mid ah xogta.

Diyaaradaha Maraykanka ayaa duqeyn culus ka fulin doona illaa 12 xarun oo Al-shabaab ku leeyihiin gobollada Jubada Dhexe iyo Shabellaha Hoose.

Meelaha weerarka lagu qaadi doono ayaa waxaa ku jira saldhigyo iyo sidoo kale xerooyin ay Al-shabaab ka fuliyaan tababarada iyo weerarada la qorsheynayo.

Like it? Share it!

Leave A Response