Diyaaraddii labaad oo Asmara u duushay

by admin | Wednesday, Jul 18, 2018 | 475 views

Diyaaraddii labaad ee rakaab ah ayaa ka duushay magaalada Addis Ababa iyadoo ku sii jeeda magaalada Asmara, ka dib markii ay aad u bateen dadka danaynaya in ay Asmara indhaha ka soo qaadaan, sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee AFP.

Waxayna soo bandhigtay sawir dad saaran diyaaraddii koobaad ee muddo labatan sano ah labada caasimadood u kala safarta, taas oo goor dhaw caga dhigatay Asmara.

Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa Twitterka soo dhigtay sawirka diyaaraddii u horraysay ee Asmara tagta labaatan sano ka dib.

Wargeyska  Standard ayaa sheegay in ay saaran yihiin 456 ruux oo rakaab ah.

Arintan ayaa qayb ka ah calaaqaadka soo hagaagaya ee Eritrea iyo Itoobiya, ka dib markii ay ku dhawaaqeen in la soo afjaray colaaddii labaatanka sano socotay.

Dadka safray waxaa ka mid ah ra’iisulwasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn sida uu Twitterka ku soo qoray wasiirka warfaafinta ee Itoobiya Axmed Shide.

Like it? Share it!

Leave A Response