Diyaarado dagaal oo ku dul meereysanaya deegaan hoos-taga Cadaado

by admin | Monday, Jan 21, 2019 | 843 views

Wararka naga soogaraya   Deegaanka Docoleey oo hoos taga degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa tibaaxaya in diyaaradaha nuuca dagaalka ah ay deegaankaasi dul heehaabayaan.

Diyaaradahaan oo joog hoose ku duulaya ayaa waxa ay argagax geliyeen dadka deegaankaasi, oo sheegay in cabsi xoogan ay ka qabaan diyaaradahaan deegaankaasi dul meereysanaya.

Waxa kale oo ay dadka deegaanka Docoleey sheegeen in diyaaradaahasi ay xitaa xoolaha ay argagax geliyeen, waxaana xusid mudan in dadka deegaankaasi ku nool ay badidoood dhaqdaan xoolaha.

Dadka deegaanka ayaa maamulka Galmudug iyo guud ahaan dowladda dhexe ee Soomaaliya ka dalbaday in wax laga qabto diyaaradahaan jooga hoose ku duulaya ee dhawaanahaan ku dul meereysanaayey deegaankaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response