Diyaarado dagaal oo xalay duqeymo ka geystey Saldhigyo Al-Shabaab ku leeyihiin Jilib iyo Bu’aale

by admin | Saturday, May 18, 2019 | 802 views

Diyaarado dagaal oo loo maleynayo inay leeyihiin Mareykanka ayaa xalay laba duqeyn ka geystay magaalooyinka Bu’aale iyo Jilib oo ka wada tirsan gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeymaha oo lala beegsaday Saraakiil Al-Shabaab ah iyo xarumo ku yaala labada degmo, ayaa sababay dhimashada in kabadan 10 ruux oo isugu jira Saraakiil iyo dagaalyahano Al-Shabaab ah, iyadoo xilliga weerarada dhacayeenna ay aheyd saq dhexe.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ee sida gaarka ah u tababaran iyo kuwa maamulka Jubbaland oo weeraradan si dhow ula socday ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in howlgalka uu ku koobnaa oo kaliya duqeyn dhinaca Cirka ah oo aaney jirin Ciidan dhulka u degay.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa howlgallo ka wada meelaha la beegsaday ayaa howlgallo baaritaana ah xilli dambe oo xalay ah ka sameeyay aagga ay wax ka dhaceen, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan iney qab qabteen rag ay ku tuhmayaan inay weerarada hagayeen.

Ma jirto wali wax war rasmi ah oo ay labada duulaan ka soo saareen howlgalka Mareykanka ee qaarada Afrika iyo dowladda Soomaaliya, kuwaasoo inta badan banaanka keena xaddiga khasaaraha ka dhasha duulaanada ay ku ekeeyaan Saraakiisha iyo dagaal yahanada Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response