Doofaarka sidiisaba daahir ma noqdo, Soomaaliyana waa sidaas oo kale waxaa yiri Colonel Katirsan AMISOM{AKHRISO}

by admin | Wednesday, Aug 8, 2018 | 1133 views

Qarmada Midoobay iyo dalalka reer Galbeedka waxa ay marwaliba sheegaan iney ka go’antahay dhisida Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, balse waa waxba kama jiraan, sidaasi waxaa lagu yiri Maqaal lagu daabacay Wargeyska Foreign Policy.

Todobaad ayaa laga joogaa markii Golaha Qaramada Midoobay ay isku raaceen in muddo kordhin loo sameeyo ciidamada Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ilaa bisha May sanadka 2019-ka.

“ Doofaarka sidiisaba daahir ma noqdo, Soomaaliyana waa sidaas oo kale, waa nadiifinee hadane waa wasaq” waxaa sidaasi yiri Colonel Katirsan AMISOM gaar ahaan guutada Ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale la barbar dhigay Soomaaliya dalka Afghanistan isagoo sheegay in Taalibaan ay la wareegto meel walbo oo Ciidamada Afghnaistan ay baneey

Xaaladda amni ayaa sii xumaaneysa maalinba maalinka ka sii dambeysa qaraxyo iyo dilal aan kala joogsi laheyn ayaa ka dhaca Magaalada Muqdisho iyo deegaano kala duwan oo dhaca Soomaaliya.

Markii ugu horeysay AMISOM waxaa Soomaaliya laga howlgeliyay 2007-dii waxyna dagaal la galeen Al Shabaab oo dowladda ka soo horjeeda, wixii intaas ka dambeeyayna waxaa loo sii kordhinayay sharciga ay ku joogayaan Soomaaliya, hada waxaa lagu qiyaasaa in kabadan 22,0000 oo askar kuwaa oo ka socda dalalka kala ah Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya, Djibouti, iyo Sierra Leone.

In xiligan AMISOM loo kordhiyo howlgalka Soomaaliya waxaa laga leeyahay ujeedooyin kale iyo in la marin habaabiyo waqtiga saxda ah ee Soomaaliya ka baxeyso taa oo meesha ka saareysa rajada ah in Soomaaliya ay ku tashato ciidamadeeda.

Ciidamada Soomaaliya waxaa loo aqooni jiray “Libaaxyada Africa” waxaana taageero siin jiray Midowgii Suufiyeet, waxaa aad u qalabeysnaa xarumaha Militry-ga waxaana ciidamada tababar ku qaadan jireen Taangi iyo hub culus iskaba daa iney ku dagaalamaan.

Burburkii kadib ciidankii ayaa burburay mana jirin taageero ku filan oo ay heleen xitaa ma aysan heysan Fooneeyaha iyo qalabka isgaarsiinta ee ciidanka ku xeriiraan, waxey isticmaali jireen shirkado isgaar-siineed oo si qaas ah loo leeyahay, ciidanka qaarkood waxey ku howlgalaan dacas.

“Reer Galbeedku waxey tababareen ciidamadii ugu xumaa aduunka waana ciidamada Ciraaq, Afghanistan iyo Soomaaliya” professor Stig Jarle oo xeriirka caalamiga ka dhiga Jaamacada Norwegian University of Life Sciences ayaa sidaasi u sheegay Wargeyska Foreign Policy.

Dowlado kala duwan ayaa taageera Ciidamada Soomaaliya, saldhigyo Military ayeyna ku leeyihiin dalka ujeedo ahaan iyo siyaasad ahaan waa ay kala duwan yihiin, dal walbana xulufo gooni ah ayuu hoos ku wataa iyo Istaraatiijiyad gaar ah, waxaa kamid ahTurkiga, Mareykanka iyo Britain, Imaaradka Carabtana wuu joojiyay maadama khilaaf kala dhaxeeya dowladda wuxuu lahaa saldhig sidoo kale Mareykanka wuxuu hakiyay taageeradii cunnada iyo shidaalka uu siin jiray CXD isagoo sabab uga dhigay musuq.

La-taliye ajnabi ah oo la shaqeeya wasaaradda Gaashandhigga ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda laga dhigo karo kuwo awood leh balse aan loo diyaarsaneyn, wuxuuna la taliyahan diiday in magaciisa la daabaco isagoo la soo shaqeeyay in kabadan 20 wadan.

Qof walbo oo Soomaali ah wuu ogyahay in AMISOM aysan rabin iney ka tagto Soomaaliya, waxeyba noqon doonaan hay’ado amni oo si gaar ah loo leeyahay oo calooshood u shaqeysta.

Jawaab cad looma hayo cida Ciidamada Xoogga dalka siisa hubka, -Mareykanka, UK iyo Midowga Yurub waxey bixiyaan hub yaryar, lakiin wadamada Khaleejka iyo Masar ayaa si furan Soomaaliya ugu iibiya hubka iyagoo soo marsiiya badda ama hawada, waxaana loo diiwaan geliyaa Ciidamada Dowladda laakiin waxey u gacan galaan maleeshiyo beeleed iyo in lagu kala iibsado suuqa madoow.

“ Wax shaki ah kama qabo in Al Shabaab ay xeriir leeyihiin hay’adaha Dowladda Federalka Soomaaliya sir bandanna ay og yihiin” sidaas waxaa yiri Cabdicasiis Cali Ibraahim Xildhibaan oo ahaa La-taliyihii iyo Afayeenkii hore ee wasaaradda Amniga oo wareysi la yeeshay Wargeyska FP.

Al shabaab waxey soo dhexmaraan bar-kontaroolada ciidamada Dowladda iyagoo sita Uniform-ka ciidanka , weerar iyo qaraxyo ayeey fuliyaan, maalmo ka hor xafiiska taliye ku xigeenka NISA waxaa u dhacay askar xeriir la leh Al Shabaab.

“Wey iska cadahay in xubno katirsan dowladda ay sirta la wadaagaan Al Shabab xitaa kuwo beesha caalamka xiriir ayaa kala dhaxeeya Al Shabaab” waxaa sidaasi sheegay sarkaal la shaqeeya wasaaradda Gaashaandhigga .

Ujeedka xiriirka loola yeelanayo Al Shabaab ayaa ah in ay khaarijiyaan cid waliba oo ka hor timaada dano siyaasadeed uu wato siyaasi ama mucaarad ku ah, waxaana tusaale kuugu filan weerarkii Hotel dayax ay ku qaadeen Al Shabaab oo siyaasiyiin kala duwan ay ku shirayeen.

“Dhisidda Ciidamada Xooga Dalka waxay ka mid tahay mudnaanta koowaad ee beesha caalamka marka loo eego siyaasiyiinta Soomaalida ” E.J. Hogendoorn ayaa yiri ah oo sarkaal sare oo katirsan Ururka falanqeeya xasaradaha caalamig adduunka ee ‘International Crisis Group’ (ICG)

Like it? Share it!

Leave A Response