Doorashadda Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland oo maanta dhaceysa

by admin | Saturday, Aug 17, 2019 | 654 views

Magaalada Kismaayo  Saacaddaha soo socda waxaa lagu waddaa in lagu qabto doorashada Guddoonka baarlamaanka maamulka Jubbaland, waxaana si weyn looga dareemaya diyaar Garowga Xarunta doorashadda ay ka dhaceyso.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana ku sugan goobta loogu tala galay in lagu qabto doorashadda guddoonka baarlamaanka Jubbaland Ciidanka Booliska iyo kuwa AMISOM.

Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa sheegay in maanta ay dhici doonto doorashadda Gudoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

Xildhibaano iyo xubno ka socda beesha Caalamka ayaa goobjoog ka noqon doona Doorashadda guddoonka baarlamaanka Jubbaland ee maanta dhaceysa.

Like it? Share it!

Leave A Response