Dowadda oo sheegtay in dagaal lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

by admin | Friday, Oct 16, 2020 | 381 views

Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay dagaal Ciidamada iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku dhex-maray degaanka Buulalow oo ku yaalla inta u dhaxeysa Afgooye iyo Walanweyn.

Saraakiil is tirsan Ciidanka kumaandooska Danab oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen Madaxiii howlgelinta Al-Shabaab ee Shabeellaha Dhexe & 50 Xubnood oo la socday.

Saraakiisha Danab ayaa Sarkaalka la dilay waxa ay magaciisa ku sheegeen Cismaan Ciil Fiidow oo Al-Shabaab u qaabilsanaa howlgelinta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ka dhacay degaanka Buulalow oo hoostaga degmada Afgooye ee G/Shabeellaha Hoose ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay wadada u galeen Gaadiid ay wateen Ciidamada Dowladda, waxaana Al-Shabaab ay sheegteen inay weerarkaas ku dileen 25 Askari.

Like it? Share it!

Leave A Response