Dowlada Somalia oo Dagaal Siyaasadeysan ku Bilowday Imaaraadka & Falcelin Layaab leh

by admin | Sunday, Apr 15, 2018 | 945 views

Dowlada Somalia ayaa aamusnaan dheer kadib iminka ka fal celineysa dhagar Siyaasadeedka ay dowlada Imaaraadka Carabta la dheeleyso Somalia.
Somalia oo godob Siyaasadeedyo is biirsaday ka tirsaneysa dowlada Imaaraadka Carabta ayaa qaadeysa talaabo waliba oo quusin karta Siyasaada Imaaraadka ee Somalia.

Dhinacyada ay Dowlada Somalia kala dagaalameyso Imaaraadka ayaa waxaa kamid ah dhaqdhaqaaqa diplumaasiyiinta, isu gudbinta dhaqaalaha sharci darada, Isticmaalka ciidamada Somalia oo ay tababareen kol hore, Joojinta Heshiisyada ay horay ula galeen dowladihii hore sida Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif iyo dhammaan waxyaabaha ku xeeran danaha gaarka ee Imaaraadku ka leeyahay Somalia.

Dagaalka ay Somalia kula jirto dowlada Imaaraadka ayaa ka bilowday xadgudubka ay dowladaasi ku heyso ku tagrifalka dhaqaalaha kasoo baxa Dekadaha, Garoomada iyo Xirooyinka ciidan oo maamul ahaan ay hoostagto Somalia.
Dowlada Somalia ayaa ku dhiiratay dagaalka Imaaraadka tan iyo markii ay Dekadaha Heshiis qarsoodi ah kula gashay maamul Goboleedyada ka jira dalka, taa oo cirka ku shareertay Khilaafka bilowga ahaa ee ka dhex aloosnaa Somalia iyo Imaaraadka.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa qudheeda dareensan in dowlada Somalia ay u dagaalameyso xoriyadeeda bacdamaa uu Imaaraadku doonaayo inuu ka faa’iideysto dhaqaalaha ku jira Somalia.

Dowlada Imaaraadka ayaa sidoo kale faragalinta ay ku heyso Somalia iyo damaceeda gaarka ah u isticmaasha Siyaasiyiin iyo xubno ka tirsanaa dowladihii hore ee dalka soo maray.

Imaaraadka ayaa ku taameysa inay kusii ballaarato Somalia oo iyadu leh dhaqaale iyo kheyraad aan cidi ilaalsan.

Sidoo kale, dowlada Somalia ee iminka ka arimisa dalka ayaa dhankeeda kawada ololo dowlada Imaaraadka looga saarayo dalka, maadaama ay adeegsaneyso isku dirka iyo kala geynta Madaxda iyo maamul Goboleedyada dalka.

Si kastaba ha ahaatee, talaabada ay dowlada Farmaajo ku cadaadineyso Imaaraadka ayaa waxaa danqasho ka muujinaaya Mucaaradka Somalia iyo Dowladaha Sacuudiga, Bahrein iyo dowlado kale oo daaha gadaashii ka hagaaya faragalinta Imaaraadka.

Like it? Share it!

Leave A Response