Dowlada Somalia ‘oo xirtay shabakad sirdoon oo ay leeyihiin Imaaraadka’

by admin | Friday, May 10, 2019 | 670 views

Wargeyska caanka ah ee Middle East Monitor ayaa maanta qoray in mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ay xireen shabakad sirdoon oo ay leeyihiin Imaaraadka Carabta.

Wargeyska ayaa sheegay inuu warkan kasoo xigtay dad adeegsanaya barta twitter-ka oo uusan shaacin, kuwaas oo soo xigtay shaqsiyaad ka tirsan sirdoonka dowladda Soomaaliya.

Wargeyska ma uusan bixin wax faah-faahin oo intaas dhaafsan kuna saabsan tirada dadka la xiray, goorta iyo goobta midna

Xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa aad u xumaa wixii ka dambeeyey bishii April ee 2018, markaasi oo dowladda Soomaaliya ay garoonka Aadan Cadde ku qabatay lacag ku dhow 10 milyan oo dollar oo ay Imaaraadka lahaayeen lana wareegtay.

Horaantii sanadkan, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in xiriirka dalkiisa iyo Imaaraadka uusan ahayn

Like it? Share it!

Leave A Response