Dowlada somaliya oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab.

by admin | Friday, Sep 23, 2022 | 253 views

Ciidamada Xoogga Dalka ee ka hawlgallaya deegaanka Sinadhaqa oo kuyaalla duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Gobalka Galguduud ayaa dagaal saacado badan qaatay waxaa ay la galeen Xubno katirsan Ururka Al-Sabaab oo weerar kusoo qaaday.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada xoogga oo hayay macluumaadka Al-Shabaab, iyaga oo ka faa’iidaysanaya sirdoonkooda iyo wadashaqaynta Shacabka deegaanka ay ka hortageen weerarka, isla markaana ay ka dileen 1 Xubnood.

“ Dawladda Soomaaliya waxay xusuusinaysaa raga katirsan Ururka Al-Shabaab oo ay marin habaabiyeen in waqtigu gabaabsi ku yahay ayna sii yaraanayso fursadda ay u haystaan in ay kaga baxaan safkooda, waxaayna u mahad celinaysaa Shacabka Soomaaliyeed oo kacdoonkoodu uu yahay Kan micnaha u yeelaya halganka xoraynta Dalka ayaa lagu yiri” Warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay u mahadcelinayso saaxiibada caalamka ee garab taagan, si gaar ah, dawladda Maraykanka, iyo hawlgalka ATMIS ee qeybta ka ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Like it? Share it!

Leave A Response