Dowlada somaliya&beesha Caalamka oo ka shiray ka jawaabista abaaraha.

by admin | Monday, Sep 26, 2022 | 362 views

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa Manta Xerada Afisiyooni ee Magaalada muqdisho ka furay shir looga hadlayo sidii looga jawaabi lahaa abaaraha daran ee xilligaan ka jira dalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb alay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb, James Swan iyo dhammaan dalalka deeq-bixiyaasha ee fadhigoodu yahay Xerada Xalane, Madax ka soctay Hay’adaha Caalamiga ah iyo mas’uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa xog ku saabsan xaaladda abaareed ee dalka iyo tallaabooyinka gurmad ay qaaday uu uga warbixiyay madaxda ku sugneyd shirka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa waxaa uu beesha Caalamka ka codsaday in si dhab ah loo garab istaago dowladda si hoos loogu dhigo xaaladda daran ee abaaraha inta aysan macluul isku badalin.

Wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac in Al-Shabaab ay dadka tuulooyinka ku nool kusoo rogeen talaabooyin bahdil ah kuwaasoo ku qasbay in ay u soo barakacaan magaalooyinkii ay ku noolaayeen.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb, James Swan ayaa dhankiisa sheegay in Saadaasha hadda ay muujineyso abaarta ay sii socon doonto bilooyinka soo aadan, isla markaana kaalmada caalamka ee hadda la heystana aysan ku filneyn tirada dadka Soomaaliyeed ay saameynta gaartey abaarta gaartay.

Shirkan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dalka meelo badan oo kamid ah ay ka jirto abaar daran, sidoo kalena ay ka socdaan dagaalo ka dhan ah ururka Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response