Dowladda China oo sheegtay in Soomaaliya ay la leedahay xiriir wanaagsan oo jireen ah

by admin | Friday, May 4, 2018 | 1011 views

Ku-xigeenka Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibada dowladda China Hu Zhang Liang ayaa sheegay in uu uu jiro xiriir qota dheer oo soo jireen ah oo dowladda China kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya.

Agaasimaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan maanta uu la qaatay Wariyayaal ka kala socday warbaahinta gudaha Soomaaliya oo booqasho 11 cisho ah ku jooga magaalada Beijing ee caasimadda u ah dalka China.

Wariyayaashan oo uu horkacayo agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf AlCadalla ayaa kala socda xarumaha warbaahinneed ee kala ah Hiiraan Online, SONNA, Universal TV, Goobjoog, CCTViyo SBC.

Hu Zhang ayaa uga mahad celiyay kooxdan wariyayaasha ah safarka ay ku joogaan dalka China oo uu ku tilmaamay mid dib boorka uga jafi doono sidii Idhaha bulshada Soomaaliyeed loogu soo jeedin lahaa doorka China ay ku leedahay dib u soo kabashada dalka Soomaaliya, isaga oo intaa ku daray in uu arkayo rajo wanaagsan oo laga qabo in Soomaaliya mar kale cagaheeda dib isugu taagto.

‘’Waxaan ka taageernaa Soomaaliya dhinacyda Amniga iyo siyaasada, gaar ahaan maalgalinta howlgalka midowga Africa AMISOM’’ ayuu yiri Hu Zhang.

Wuxuu intaa ku daray in wallow marmarka ka dhacaan Soomaaliya falal ka dhan ah nabad-galyada in haddana dowladda China ku dhiiratay in ay safaarad ku yeelato magaalada Muqdisho kuna shaqeyso.

‘’Hotelka Jasiira ee magaalada Muqdisho oo mar xarun ahaa safaaradeena Qarax ayaa lala eegtay qof shaqaalaheena ka mid ah ayaa nooga dhintay, laakiin taa nama cabsi galin, waxaan ku dhiirannay in aan wali ka sii shaqeyno gudaha dalka Soomaaliya, halkaa oo uu safiirkeenu fadhiyo’’ ayuu yiri Hu Zhang.

Xiriirka labada dowladdood ayuu sheegay in uu yahay mid aan laga laheyn dano siyaasadeed  laakiin kaliya uu ku qotomo sida uu hadalka u dhigay saaxiibtimo iyo in bulshada Soomaaliya laga caawiyo dhinacyada Amniga, dib-u-dhiska iyo siyaasada iyadoo aan wax sharuud ah lagu xirin.

Dhinaca kale, Chen Tao  oo ah ku-xigeenka agaasimaha waaxda warfaafinta wasaaradda arrimaha dibeda oo la kulmay kooxdan wariyayaasha ah ayaa sheegay in dowladda China daneyneyso xiriir wanaagsan oo dhinaca warbaahinta ah oo  dhaxmara  labada dhinac iyadoo leys dhaafsanayo xoggaha ku saabsan arrimaha bulshada iyo tababaro la siiyo wariyayaasha.

Like it? Share it!

Leave A Response