Dowladda Eritrea Oo Xaqiijisay Booqashadda Uu Madaxweyne Farmaajo Maanta Ku Tegayo Dalkaasi

by admin | Saturday, Jul 28, 2018 | 936 views

Wasiirka Warfaafinta ee dalka Eritrea, Yemane Gebremeskel ayaa sheegay in Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo maanta booqasho 3 maalmood ah ku soo gaari doonaan Caasimadda dalkaasi ee Asmara.

Qoraal uu Wasiirku soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inay Booqashada Madaxweynaha Somalia timid, kadib, markii uu casuumaad ka hdlay dhigiisa Eritrea, Isasias Afewerki.

Wakaalladda Wararka ee ABC News oo soo xigatay Wasiirka ma shaacinin faahfaahino kale oo dheeraad ah oo ku aadan Socdaalka MadaxweyneFarmaajo ku tegayo dalkaasi

Booqashadaasi ayaa noqon doonta tii ugu horreysay ee uu Madaxweyne ka socda Somalia ku tago dalkaasi, tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii Dowladnimo ee somalia ee sannadkii1991-kii.Diplomaasiyiinta ayaa rumaysan in Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Asmara inay muujinayso in Isbedelka Siyaasadeed ee ka dhacay dalalka Ethiopia iyo Eritrea uu u sii xuub siibanayo Diplomaasiyad Nabadeed oo ka hanaqaada Geeska Afrika .Dowladaha Somalia iyo Eritrea waxaa guul u noqon karta inay dib u soo celiyaan Xiriirkooda Diplomaasiyadeed, taasi oo Kalsooni Siyaasadeed ka sokow wax badan ka beddeli karta Cunaqabataynta QM ee Hubka ee saaran Eritrea oo iyadu horeyloogu eedeyn jirey inay faragelin ku hayso Arrimaha Gudaha Somalia iyo inay Taageero dhaqaale iyo Milliteri siiyaan Alshabaab, inkastoo ay Dowladda Eritrera had iyo jeer gaashaanka ku dhufata  Eedeyntaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response