Dowladda Federaalka oo ku dhawaaqday inay fasaxday duulimaadyadii Kismaayo

by admin | Saturday, Sep 28, 2019 | 806 views

Dowladda Federaalka ah Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay fasaxday duulimaadyadii Kismaayo, kaddib markii todobaadkii hore ay xayiraad saartay.

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Aadan Isaaq Cali oo la hadlay Telefishinka Qaranka ee SNTV ayaa sheegay in dowladdu fasaxday duulimaadyadii rayidka ahaa, kaddib codsi uga yimid shacabka reer Kismaayo sida uu yiri.

“Kaddib codsi uga yimid shacabka reer Kismaayo dowladda Federaalka waxay fasaxday duulimaadyadii rayidka ah ee Kismaayo iyo Muqdisho”ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Warfaafinta.

Hadalkan ayaa ah mid ka hor-imaanaya hadal horay uga soo yeeray Maareeyaha Hey’adda Duulista Hawada oo ahaa in aysan dowladda aysan xayiraad saarin duulimaadyada Kismaayo, balse ay ku amreen diyaaradaha inay fasax soo weydiistaan 24 saac ka hor.

Like it? Share it!

Leave A Response