Dowladda Imaaraadka oo Somalia u soo diraysa Diyaarado sida Gargaar

by admin | Thursday, Apr 8, 2021 | 296 views

Ururka Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay bilaabayaan Duullimaadyo dhanka Hawada oo Somalia lagu soo gaarsiin doono Gargaar Aadminimo.

Xoghayaha Guud ee Ururka Bisha Cas ee dalkaasi, Dr. Maxamed Catiiq Al-Falaxi ayaa sheegay inay u soo dirayaan 4 Diyaarado wada Gargaar, si wax looga qabto guud ahaan Xaalladda Bani’aadanimo ee Somalia ka jirta.

Waxa uu xusay in Barnaamijka Gargaarka Aadminimada qeyb ka yahay dadaalka socda ee wax looga qabanayo dhibaatada Aadminimo ee Somalia iyo xoojinta awoodda kuwa ay waxyeelladu ka soo gaartay xaalladda Aadmino ee Somalia.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Ururka Bisha Cas ee dalka Imaaraadka, Dr. Maxamed Catiiq Al-Falaxi waxa uu tilmaamay inay Imaaraadka garab taagan yihiin Walaalaha Soomaalida ee ku daruufaysan guud ahaan Somalia.

War qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Imaaraadka ku leedahay Somalia waxa lagu qeexay in Gargaarka ku soo fool leh Somalia la gaarsiin doono dadka Barakacayaasha ee ku nool Jubbaland, Puntland iyo Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, Diyaaradaha wada Shixnadaha Gargaarka ee ay Imaraadka u soo dirayaan Somalia ayaa la filayaa inay Somalia soo gaaraan Ka hor Bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo ay inaga xigto dhowr maalmood.

Like it? Share it!

Leave A Response