Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Dowladda Itoobiya oo khad cas u xariiqday Somaliland kana digtay inay ka gudubto

by admin | Saturday, Aug 8, 2020 | 716 views

Dowladda Itoobiya ayaa khad cas u xariiqday Somaliland kana digtay inay ka gudubto, ayada oo sheegtay in saldhigga Masar ay dooneyso inay ka sameysato Somaliland uu yahay mid aan la aqbali karin.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya Dina Mufti ayaa yiri “Masar waa dal madax-banaan oo xaq u leh inuu xiriir la yeesho dal kasta oo gobolka ah ah, hase yeeshee taasi ma ahan inay ku timaado ayada oo la waxyeeleynayo xasiloonida Itoobiya.

”Waxaa dhowaan jiray warar sheegaya in Masar ay saldhig militari ka sameysaneyso Somaliland, xilli ay ayada iyo Itoobiya ka dhex aloosan tahay xiisad ka dhalatay biyo-xireenka ay Addis Ababa ka sameyneyso webiga Nile.

Dabayaaqadii July, wafdi ka socday Qaahira ayaa la kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaga oo sida la sheegay kala hadlay qorshaha saldhigga.

“Arrinta saldhigga annaga waa inoo khad cas,” ayuu yiri Dina Mufti, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda, oo intaas ku daray in Itoobiya ay xiriir saaxiibtinimo la leedahay Somaliland, inkasta oo aan dal ahaan loo aqoonsaneyn.

Qaar ka mid ah dadka taxliiliya siyaasadda ayaa tallaabooyinka Masar u arka kuwa looga aargudanayo dowladda federaalka Soomaaliya oo sheegtay inay taageereyso xuquuqda ay Itoobiya u leedahay biyo-xireenka, kaasi oo Qaahira ay aad uga soo horjeedo.

Masar iyo Itoobiya ayaa labaduba siyaabo kala duwan ugu ololeynaya Somaliland, sababo la xiriira ahmiyadda halka ay qariidadda kaga taalo, taasi oo taxliiliyayaasha qaar ay rumeysan yihiin inay soo dedejin karto aqoonsi ay hesho Hargeysa.

Like it? Share it!

Leave A Response