Dowladda Jabuuti oo shaacisey Cidda ay ku wareejisay lacagta Gurmadka Beledweyne

by admin | Monday, May 11, 2020 | 455 views

Guddiga gurmadka fatahaada Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa 7-dii Bishaan waxaa ay shaaciyeen in aysan weli dowladda Soomaaliya soo gaarsiin lacag $600,000 oo Dollar ah oo dowladda Jabuuti ugu deeqday ka hortaga iyo waxka qabashada Fataahadaha Beledweyne.

Hayeeshee Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay cidda sida rasmiga ah ay ugu wareejisay lacagtaas,walow xalay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare uu sheegay in dhamaan lacagihii sanadkii hore dowladda Somalia ugu deeqday fatahaadaha Beledweyne ay soo gaartay.

Danjiraha Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan ayaa sheegay in kaalmadaasi dhaqaale ay horay ugu wareejiyeen Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta msiiibooyinka Dowladda Federaalka,isla markaana ay la socdeen deeqo kale oo agab ah oo loogu talo galay ka hortaga fatahaadaha.

Waxaa wax laga weeydiiyey Safiirka maadaama lacagtaas muddo todobo bilood ah ay ka maqneyd Maamulka Hir-Shabelele inay la socdeen arrintaas,hayeeshee waxaa uu sheegay in iyaga aysan faraha la gelin arrimaha Soomaaliya.

Markii Guddiga gurmadka fatahaada Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ay shaaciyeen in lacagtaasi aysan weli soo gaarin ayaa waxaa aad looga hadal haayay Baraha Bulshada,waxaana maalmo kadib Ra’iisul Wasaare Kheyre uu amray in Wasaaradda Maaliyadda ay si deg deg ah ku bixiso lacagtaas.

Like it? Share it!

Leave A Response