Dowladda Kenya oo xil sare u magacowday nin dhintay.

by admin | Friday, Oct 18, 2019 | 43 views

Nin  dhintay sannad ka hor ayaa si khaldan loogu magacaabay inuu xil sare ka qabto guddiga maamulo aflaamta ee dalka Kenya, sida ay sheegtay dowladda.Robert Kochalle wuxuu dhintay bishii May ee sannadkii lasoo dhaafay, wuxuu kamid ahaa saddex qof oo loo magacaabay inay hogaamiyaan guddiga maamulo aflaamta Kenya , guddigaas oo maamulo filimada iyo waxyaabaha la baahiyo.

Baraha bulshada waxaa qabsaday hadal heynta ku aadan ninkan dhintay ee xilka loo magacaabay, dadka qaar waxay sheegayaan in arrintani ay caddeyn u tahay habacsanaanta ka dhex taagaan maamulka ha’yadaha dowladda.

Balse, madaxa fullinta ee guddigga maamula aflaamta kenya, Ezekiel Mutua ayaa sheegay in khaladaadka yar ee dhacay la bunbuuniyay.

Like it? Share it!

Leave A Response