Dowladda oo faah faahisey xaalada Somalida ku nool Shiinaha (Coronavirus)

by admin | Tuesday, Feb 4, 2020 | 539 views

Safaarada Soomaaliya ee dalka Shiinaha ayaa waxaa ay faah faahin guud ka bixisey xaalada muwaadiniinta Soomaliyeed ee ku nool Magaalada Wuhan oo ah Magaalada uu ka bilaawdey Cudurka Coronavirus.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda ayaa waxaa lagu sheegay inay u kuurgaleen xaalada Caafimaad ee muwaadininta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magalada Wuhan ee Dalka Shiinaha,isl markaana xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay.

Waxaa kaloo safaraadu sheegtay in ay iska warqadaan Soomaalida ku nool Magaalada Wuhan oo gaaraya 50 Ruux iyo Mas’uuliyiinta Safaarada,isa markaana ay sii wadi doonaan ka warqabka muwaadiniintooda.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha.

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response