Dowladda oo ka hadashay weerarka degmada Awdheegle

by admin | Wednesday, Aug 14, 2019 | 660 views

Xubno ka tirsan Al Shabaab ayaa maanta barqadii waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhigga Ciidanka Xoogga dalka ee degmada Awdheegle gobolka Shabeellaha Hoose, weerarkaas oo qaraxyo ku bilaawday.

Taliyaha Ciidanka Luqta General Yuusuf Raage Odawaa oo lahadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in degmada Owdheegle yaallaan  hadda meydadka raggii weerarka soo qaaday kuwaas oo aan xisaab laheyn waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay dagaalamayaal Al Shabaab ah lagu qabtay dagaalkaas saakay,isla markaana ay soo bandhigi doonaan.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa dhawaan Al-Shabaab ka saaray degmada,waxaana sidoo kale maalmahaan ay howlgallo kala duwan ka wadeen tuuloyiinka hoostaga degmadaas.

Like it? Share it!

Leave A Response