Dowladda oo lagu eedeeyay in aysan gargaar gaarsiin Shacabka Beledweyne

by admin | Wednesday, Dec 11, 2019 | 629 views

Xildhibaan Yuusuf Gamadiid  oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in aysan wax gargaar ah gaarsiin Shacabkii dhawaan ka barakacay Fatahaada Wabiga Shabeelle ee Beledweyne.

Waxaa uu xusay in aysan jirin haba yaraatee gargaar ka yimid dowladda oo la gaarsiiyay Shacabka Beledweyne, taasoo badalkeeda ay tageen Wasiiro iyo Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Shacabka Magaalada Beledweyne ay badbaadiyeen Shacabka Soomaaliyeed ee kunool gobolada dalka oo gurmad deg deg ah la gaaray.

Ugu dambeyntii waxaa uu xusay in qorshaha dowladda aysan ka mid aheyn in loo gurmado Shacabka loona baahan yahay in dowladda Soomaaliya ay Caddeyso wixii ay ugu talagashay Shacabka Beledweyne halkii ay ku baxeen.

”Boqol dollar oo dowlada Fedaraalka bixisay gurmadka Beledwayne magaarin ee bulshadaa u gurmatay”ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Gamadiid.

Like it? Share it!

Leave A Response