Dowladda oo Maanta Ciidamo horleh geyneysa Gobolka Gedo

by admin | Wednesday, Feb 5, 2020 | 545 views

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Saacadaha soo socda ee Maanta ah ay Ciidamo horleh geyso degmooyn ka tirsan Gobolka Gedo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolk Gedo ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in Ciidamada oo kamid ah kuwa Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad la geynayo degmada Beled-Xaawo oo uu shalay safar deg deg ah ku tegay C/rashiid Janan walow markii dambe uu ka tegay.

In kastoo aan sirasmi ah loo shaacin tirada Ciidamada Booliska Soomaaliya ah ee maanta laga qaadayo Magaalada Muqdisho lana geynaayo Beled-Xaawo ayaa hadana waxaa ay horey dowladda Ciidamo farabadan u geysay degmooyinka,Doolow,Baardheere iyo Beled-Xaawo.

Dowladda Soomaaliya ayaa loolan adag waxaa ay ugu jirtaa sidii ay gacanta ugu dhigi laheyd guud ahaan degmooyinka Gobolka Gedo,kadib wixii ka dambeeyey markii uu khilaaf xoogan soo kala dhex-galay Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur Janan aya awood badan waxaa uu ku lahaa degmooyin ka tirsan gobolka Gedo oo ay Doolow ugu wyen tahay,hayeeshee ay u muuqato in laga faramaroojiyey.

Like it? Share it!

Leave A Response