Dowladda oo maanta dib u bilowday Imtixaanaadka shahaadiga ah

by admin | Monday, May 21, 2018 | 1010 views

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in maanta uu dib u bilowday Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Dugsiyada dalka.

Wasaaradda Waxbrashada ayaa shalay qoraal ay soo saartay ku sheegtay inuu baaqday imtixaanaadkii shalay oo Axad aheyd la geli lahaa, sababo la xiriira in magaalada Muqdisho iyo gobolada qaar ee dalka ay ka Da’een Roobab saacado badan socday.

C/raxmaan Daahir Cusmaan Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in maanta oo Isniin ah uu dib u bilaabanayo Imtixaanaadka Ardayda ay galayaan, maadooyinkii shalay baaqdayna todobaadkan gudihiisa la geli doono.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, oo ay wehliyaan maamulka Gobalka Benaadir iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa Sabtidii ian dhaaftay daah-furay Imtixaanka dawliga ah ee dugsiyada sare oo ay u fariisteen arday gaaraysa 27,600, kuwaas oo wax ka bartay Iskuulaadka kala duwan ee dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response