Dowladda oo sheegtay in howlgal ku dileen 54 al-shabaab ah.

by admin | Monday, Sep 19, 2022 | 368 views

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal cusub oo ay iska kaashanayaan ciidamada milateriga ee Soomaaliya iyo dadka deegaanka oo ka socda deegaanka Yasooman ee hoostaga degmada Buula-burde in lagu dilay in ka badan 45 xubnood oo ka tirsan ururka al-Shabab.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalkani uu weli socdo, isla markaana ay dawladdu war ka soo saari doonto marka uu soo dhamaado.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay dawladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada milateriga ee dawladdu inay toogteen sagaal xubnood oo ka tirsan ururka al-Shabaab, ka dib hawlgal ka dhacay deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyada oo ay dawladdu sheegtay in raggaasi ay isku dayayeen inay halkaas ku dhuuntaan, si ay isaga abaabulaan.

“Howlgalka deegaanka Warmaxan inta uu socday waxaa dhaawac uu ka soo gaaray Saddex ka mid ah ciidamada geesiyaasha ah ee Qaranka.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka dawladda, iyada oo intaas lagu daray “Inta ay socdaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shaaab, waxaa lagu dilay in ka badan 200 oo ka mid ah Al-Shabaab, waxaan laga saaray ku dhowaad 30-deegaan oo ay dadka Soomaaliyeed ku gumaadi jireen.” ayaa lagu soo gebagebeeyey warsaxaafadeedka.

Al-Shabaab weli dhankooda kama hadlin warkaan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ee ku aadan inay howlgallo ku dileen 54 Xubnood oo katirsanaa Al-Shabaab, Isla markaana ku sugnaa Gobolada Shabeellaha Hoose & Hiiraan

Like it? Share it!

Leave A Response