Dowladda oo sheegtay in la burburiyay goob ay qaraxyo ku diyaarinayeen Al-Shabaab

by admin | Thursday, Apr 8, 2021 | 318 views

Ciidanka Xoogga Dalka somaliyeed ayaa hawlgalki qorsheysan waxaa ay ka sameeyeen degaanka mubaarak oo ka tirsan gobolka shabeellaha Hoose , halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalka uu ahaa inay degaan kaas ka saaraan Al-Shabaab, isla markaana ay burburiyeen Xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen in howlgalka ay sidoo kale ku burburiyeen Goobo ay Al-Shabaab ku diyarinayeen waxyaabaha qarxa , sidoo kalena ay u yaleen dawooyin.

Dhinaca kale War kasoo baxay Taliska Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada dowladda y ku guuleysteen inay soo qabtaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab, oo uu kujiray Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca Maaliyadda degaanka Mubaarak.

Like it? Share it!

Leave A Response