Dowladda oo sheegtay in weerar lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

by admin | Sunday, Aug 9, 2020 | 431 views

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen degaanka sham-gare oo hoostaga degmada Awdheegle gobolka shabeellaha hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha horkaceysay weerarka ay Ciidamada Dowladda ku qaadeen degaanka sham-gare ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay weerarkasi ku dileen 16 Xubnood oo laba kamid ah ay kamid yihiin Saraakiisha Al-Shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen inay weli howlgalka kasii wadaan degaannada hoostaga degmada Awdheegle si ay uga hortagaan weerarada ay Al-Shabaab mararka qaar ku qaadaan Saldhigyada Ciidamada Dowladda ee Awdheegle.

Ciidamada Dowladda ayaa mararka qaar waxaa ay howlgallo ka fuliyaan degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,hayeeshee ay mararka qaar weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response