Dowladda oo soo bandhigtay Ciidan dhar gaara wata oo Muqdisho Xasilinaya.

by admin | Friday, May 11, 2018 | 1063 views

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay Shir Gudoomiyay Kulan ku saabsan AMniga Caasimada oo ay ka qeybgaleen Golaha Amniga Qaranka.
Kulanka oo ka dhacay Xarunta Dhexe ee Ciidanka Booliska, Waxaa Goob Joog ahaa; Wasiirka Amniga Somaliya, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha Ciidamada Booliska, Milatariga, Asluubta iyo Nabad Sugida, Kulanka ayaa laga soo saaray Amarro la xiriira amniga Caasimada inta ay socdaan Howlgalka Xasilinta.
Injineer CC/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) oo faahfaahinayay waxyaabihii ka soo baxay Kulanka ayaa sheegay in la isla gartay; Dib usoo celinta Howlgalkii Xasilinta Caasimada, Soo Qabashada Raga Shabaabka ka tirsan ee Muqdisho ku dhuumaaleysanaya, Uruurinta Hubka SHarci darrada ah ee Magaalada lagu dhex wato iyo dib ubilaabida Barnaamijkii Deriseynta Degmooyinka.
Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Janaraal C/Wali Gorod oo ku hadlay Magaca Taliyayaashii Kulanka ku sugnaa, ayaa Fariin udiray Qeybaha kala duwan ee Ciidanka, Waxa uu faray askarta iney Xerooyinkooda ku sugnaadaan inta Caasimada uu ka socdo Howlgalka Xasilinta, Askarigii Baxaya ayuu sheegay inuu ka Fasax qaato Taliyihiisa si marka ay qabtaan Ciidanka Howlgalada sameynaya ay ufududaato in la sii daayo.

Janaraal Gorod ayaa sheegay in Howlgalka Xasilinta ay qabanayaan Ciidamo si gaar u tababaran oo Wata Dhar ugaar ah, ayna qabanayaan Cid kasta oo Hub ku dhex sidata Magaalada oo aan laga warqabin.
Wasiirka AMniga Somaliya, ayaa Ciidamada Cusub ee Xasilinaya Muqdisho faray iney uturaan Shacabkooda, ayna ula hadlaan si dhimran maadaama ay AMnigooda Sugayaan, Waxa uu dhinaca kale Fariin udiray Shacabka oo la xiririta iney ka qeybqaataan Howlgalada Soo celinta amniga Caasimada.
Ugu Danbeyn, Waxaa Masuuliyiintan loo soo Bandhigay Ciidamada Cusub oo wata dhar ugaar ah iyo Gawaari loo sii diyaariyay, Waxaana hadal dardaaran ubadnaa ujeediyay Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Somaliya Kheyre.

Like it? Share it!

Leave A Response