Dowladda Somalia oo cambaareysay qaraxyo ka dhacay Imaaraadka Carabta

by admin | Tuesday, Jan 18, 2022 | 375 views

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa cambaareeyay weerarkii lagu qaaday magaalada Abu Dhabi, halkaasoo Xuutiyiinta Yemen ay ku weerareen diyaarad Drones oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Qoraal kasoo baxay Wasiirka ayaa lagu loogu tacsiyadeeyay dadka ku waxyeeloobay qaraxyadaas, isla markaana ay garab taagan yihiin Imaaraadka Carabta.

“Anigoo ku hadlaya magaca DFS, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadkii dhintay iyo qoysaskooda. Falalka argagixisanimada ayaa khatar weyn ku ah gobolka iyo Amniga caalamka, Waxaan garab taagannahay shacabka Imaaraadka Carabta ayaa lagu yiri” Qoraalka Wasiirka.

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaas, iyaga oo sheegay inay kaga jawaabayeen weerar cirka ah oo Mareykanka uu ka geystay dalka Yemen.

Waa markii ugu horreeysay ee dowladda Soomaaliya ay  cambaareyao weeraro ka dhacay Imaaraadka Carabta tan iyo markii uu xumaaday xiriirka labada dowladood, balse dhawaan Ra’iisul Wasaare Rooble uu sheegay in la soo celiyay xiriirkii xumaaday lana dhameystirayo wixii harsan.

Like it? Share it!

Leave A Response