Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo kala dhex-dhigtay maleeshiyaadkii ku dagaalamay Shabeellaha dhexe

by admin | Thursday, Sep 15, 2022 | 392 views

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la kala dhex-dhigay laba maleeshiyo Beeled oo dhawaan ku dagaalamay degaano hoostaga degmooyinka Cadalle iyo Raaga-ceelle oo ka wada tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa isku heystay dhul kuyaalla degaannada ay ku dagaalameen, waxaana dagaalkii dhex-maray oo socday in ka badan laba maalmood ku dhintay ku dhawaad 20 ruux tiro intaai ka badana ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo katirsan kuwa Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayay dowladda Soomaaliya kala dhex-dhigtay labada maleeshiyo Beeleed ee dagaalamay, si markale uusan dagaalka uga dhicin degaannada hoostaga degmooyinka Cadalle iyo Raaga-ceelle.

Wararka Risaala ay ka heleyso degaannadii lagu dagaalamay ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, isla markaana Ammaanka goobihii lagu dagaalamay ay si buuxda ula wareegeen Ciidamo katirsan kuwa Kumaandooska Gorgor.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Maanta degaannada lagu dagaalamay inay tagaan Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, kuwaas oo uu horkacayo Xidlhibaan Cismaan Xaadoole, iyaga oo gogol Nabadeed kala dhex-dhigi doona labada maleeshiyo Beeleed.

Like it? Share it!

Leave A Response