Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in duqeyn lala beegsaday Shabaab ka dagaalamaya deegaanada Galmudug

by admin | Wednesday, Jul 21, 2021 | 321 views
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in kooxda Alshabab duqayn lagula beegsaday deegaanada Galmudug ee haatan ay ka socdaan dagaalada u dhexeeya ciidamada Galmudug iyo kuwa xoogga dalka oo dhinac ah iyo kooxda Alshabaab.

Warsaxafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, ayaa lagu sheegay, in duqayntan oo dhacay shalay barqadii lagu taageerayay Ciidanka Kumaandooska ah xoogga dalka ee Danab.
Lama sheegin khasaaraha Alshabab ay gaarsiiyeen duqayntan.

Wasaaraddu waxay sheegay in cabsidii ugu weynayd ay soo wajahday kooxda Alshabaab duqeynta kadib, waxayna dowladdu sheegtay in aanu wax khasaare ah shacabka kasoo gaarin.

Dowladdu waxay kaloo sheegtay in ciidanka xoogga dalka iyo danab ay sii wadayaan dadaalada ay ka wadaan Dowlad Goboleedka Galmudug si ay uga xoreeyaan Al-shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response