Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay xilliga la furayo duulimaadyada caalamiga ah

by admin | Thursday, Jul 30, 2020 | 398 views

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay dhawaan dib u fureyso duulimaadyada Caalamiga ah oo markii hore loo joojiyay sababo la xiriira Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay dalkaas.

Wasiirka Gaadiidka dalka Maxamed Cabdullaahi Salaad  ayaa sheegay in Saddexda bisha soo socoto dib loo furi doono duulimaadyadda Caalamiga ah.

Wasiirka waxaa uu hadalkiisa intasi ku daray in dhaqaalaha dalka Soomaaliya uu hoos u dhacay tan iyo markii ay joojiyeen duulmaadyada Caalamiga,hayeeshee markii ay dib u furaan ay diyaariyeen goobo looga baaro dadka garoonka kasoo dego COVID-19.

19-kii Maarso  ayaa la joojiyay dhammaan duullimaadyadii caalamiga ahaa ee tagi jiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taasoo iyana qeyb ka ahayd dadaallada lagu xakameysano fayraska sababay cudurka safmarka ah.

 

Like it? Share it!

Leave A Response