Dowladda Soomaaliya oo taageero dhaqale u raadineysa dad ay sameeyeen abaaraha.

by admin | Thursday, Sep 22, 2022 | 248 views

Wafdiga ka socda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan magaalada Newyork ee dalka mareykanka ayaa halkaasi ka wada dadaalo ay beeha Caalamka uga raadinayaan taageero dhaqaalo oo la siiyo Soomaaliya si loogu caawiyo dadka ay saameeysay Abaarta.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya mudane, Abshir Cumar Huruuse ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada midoobay kulan doceedyo kula yeeshay mas’uuliyiinta ka kala socotay Beesha Caalamka, isaga oo kala hadlayay xaaladda Soomaaliya iyo sida loo taageeri lahaa Shacabka Soomaaliyeed ee abaartu ay saameeysay.

Wasiir Haruuse ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Shiinaha, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dawladda Itoobiya Demeke Mekonnen , Wasiiradda 60-dal oo xubno ka ah hindisaha horumarinta caalamiga ah, oo qayb ka ah hiigsiga horumarka sanadka 2030 ee Qaramada Midoobey oo lagu qabtay New York & Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Finland Mudane Pekka Haavisto.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya , Abshir Cumar Huruuse ayaa mas’uuliyiintii kala duwan ee uu la kulmay waxaa uu kala hadlay xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya iyo sidii loo sii horumarin lahaa, waxaana ay ballaan qaadeen inay Soomaaliya ka caawin doonaan waxka qabashada abaaraha & la dagaalanka Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa Shirka 77-aad ee Qaramada Midoobey ee ka socda Magaalada Newyork kusoo bandhigeysa laba caqabadood oo heysta Soomaaliya, sida abaarta iyo amni darrada, waxaana khudbad ka jeedin doona caawa shirka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Like it? Share it!

Leave A Response