Dowladda Soomaaliya oo xirtay Wadooyin soo gala Muqdisho ka dib markii….

by admin | Sunday, Jul 21, 2019 | 685 views

Hay’adaha Amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay ilaa saakay waxaa ay xireen wadada ka timaada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee soo gasha Magalada Muqdisho.

Dhagxaan waaweyn ayaa waxaa lagu jaray qeybo ka mid ah Xaafada Galmudug,waxaana gaadiid ka yimaada dhinaca Gobolka Shabeellaha Hoose ay ka kala wareegayan meel u dhow Xarunta Ciidanka Asluubta.

Dad ku sugan Xaafada Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in tallaabada lagu xiray wadooyin ka mid ah Xaafadaas ay soo bilaabatay todobaad ka hor,isla markaana inta badan Jidcadayaasha dhagxaan la dhigay.

Sidoo kale Hay’adaha Amniga ayaa waxaa ay dhagxaan dhigeen Bartamaha laamiga Ex-Koontorool Afgooye oo laga soo galo Magalada Muqdisho,waxaana saakay halkaasi lagu arkay dhagxaan waaweyn oo yaalla Bartamaha laamiga.

Wadada Ex-Koontrool Afgooye ayaa waxaa ay ka mid tahay wadooyinka ugu muhiimsan Magalada Muqdisho, iyada oo ay soo maraan Gaadiid Khudaar iyo Caano ka keena Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana dowladda Soomaaliya ay xirtay u xirtay wadooyin waaweyn oo ku yaalla Magalada Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response