Dowladda Uganda oo sheegtay in labo askari looga dilay dagaal ka dhacay Marka

by admin | Thursday, Oct 18, 2018 | 835 views

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in dagaal ka dhacay degmada Marka looga dilay labo askari oo ka tirsanaa ciidamadooda howlgalka midowga Africa AMISOM.

Afhayeen u hadlay militariga Col. Deo Akiik ayaa sheegay in ugu yaraan Laba askari looga dilay dagaal Talaadadii ina dhaaftay ciidamada Uganda ay Ururka Al Shabaab kula galeen magaalada Marka.
Dagaalka ayaa dhacay Talaaddadii aynu soo dhaafnay oo dhaxmaray dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

“Weerar Dhabogal ah oo ay soo qaadeen Al-shabaab ayaa lagu dilay Laba askari oo ka tirsanaa ciidamadeena, xili uu magaalada boooqanayay madaxweyne Farmaajo ayuu yiri afhayeenka milllateri ee u hadlay dowladda Uganda.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka mid ah meelaha ugu badan oo ay ka dhacaan dagaallada u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya, AMISOM iyo Al-shabaab..

 

Like it? Share it!

Leave A Response